Qarax Mas’uul Hirshabeelle Ka Tirsan Lala Beegsaday Oo Ka Dhacay Jowhar

Xalayto waxaa magaalada Jowhar ka dhacay qarax khasaaro geystay, kaas ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso.

Sida ay sheegayaan warbaahinta Alshabaab qaraxaas waxaa lala eegtay mid kamid ah saraakiisha dhanka warfaafinta u qaabilsan dhanka Hirshabeelle, waxaana la xaqiijiyay in uu ka badbaaday qaraxaas.

Lama hubo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay qaraxaas, balse waxaa hubanti ah in uu jiro khasaaro ay labada dhinnac ba sheegin ama aysan xaqiijin.

Sidoo kale lama sheegin magaca mas’uulka qaraxaas lala beegsaday, balse baaritaan dheer ayaan u geli doonaa soo gudbinta qofka rasmiga ah ee lala beegsaday qaraxaas.

Qaraxa miino ee Jowhar ka dhacay, wuxuu kusoo aadayaa xilli mas’uuliyiin dawladda ka tirsan oo iskugu jira wasiiirro iyo siyaasiyiin ay kusugan yihiin halkaas, maadaama isfahan darro siyaasadeed ay jirto.

Siyaabo kala duwan ayeey alshabaab weerar kaga geysteen gobolka dhawrkii habeen ee lasoo dhaafay, balse waxaa la rejeynayaa in amaanka gobolka uu intaas kasii wanaagsanaado, kol haddii ay ka dhaceyso doorashada Hirshabeelle dhawaan.