Maxaa Looga Kala Cararray Maanta Jaamacadda Ummadda Ee Magaalada Muqdisho? (Xog Muhiim Ah)

Gaari looga shakiyay in ay ku xirnaayeen walxaha qarxa oo xalay lasoo dhigay agagaarka Jaamacadda Ummadda degmada Xamar Wayne ayaa saakay aad looga cabsaday, islamarkaana dhammaan aaggaas loo xiray.

Ciidanka amaanka ayaa ka shakiyay gaarigaas la waayay ciddii wadatay, waxaana dadka lagu amray in ay goobta ka fogaadaan, si aysan ugu waxyeeloobin, haddii uu gaariga qarxo.

Illinka (Albaabka) hore ee Jaamacadda Ummadda ayaa la dhigay sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shaaciye.com, waxaana ay booliska ugu dambeyn isku dayeen in ay gaariga goobta ka kaxeeyaan.

Waddada oo idil ayaa loo xiray gaarigaas laga shakiyay awgeed, sidoo kale dadkii deegaanka ahaa ee ka ag dhawaa goobta ayaa ka hayaamay, si ay u helaan goob ay ku baddashaan.

Jaamacadda Ummadda ayaa dib loo hawl galiyay, oo ardayda dhigata inta badan waa lacag la’aan, hasa yeeshee Shabaab ayaan middaas ku qanacsanyn, dhawr jeer oo horey ayeey hanjabaad ula kulmeen madaxda, macallimiinta iyo ardayda jaamacaddaas dawliga ah.