Kooxo Hubeysan oo Dil Iyo Dhaawac ka geestay Xalay Duleedka Magaalada Muqdisho?

Waxaa Xalay Kooxo hubeysan ay askari ku dileen, mid kalena ay ku dhaawaceen Degaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Guddoomiye ku xigeenka Ceelasha Biyaa, Cabdisalaan Maxamed oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxuu sheegay in falkaasi lagu waxyeeleeyay askartan ay ka dambeeyeen dabley bistoolado ku hubeysan.

Waxuu xusay in raggii ka dambeeyay falkaasi ay isaga baxsadeen goobta.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ay socdaan howgallo baaritaano ah oo ku aadan soo qabashada raggaasi.

Ilaa hada majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkan lagu dilay, laguna dhaawacay askar ka mid ah Ciidamada Dowladda Soomaaliya balse weeraradaasi nuucaas oo kale ah waxaa’ loogu barta kooxda Al shabaab oo ka soo horjeda Dowladda Somalia