Deg deg: madaxwayne Farmaajo Oo Ka Duulay Garoonka Aadan Cadde Airport

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhaw ka dhoofay Garoonka Aadan Cabdulle keddib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Mudane Abdulfataax Al Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona adkeynta xiriirka soojireenka ah ee labada dal iyo iskaashiga dhinacyada Waxbarashada,  Beeraha, Socdaalka, Duulista Hawada iyo Tamarta iyo Biyaha.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Tamarta iyo Biyaha, Wasiiru Dowlaha Waxbarashada iyo Xildhibaanno.