DEG DEG:- Dagaal Culus Oo Hadda Ka Socda Degmada Afgooye Iyo Xaaladda Oo Aad U Cakiran

Weerar qarax ka bilawday ayaa hadda kasocda degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Koonfurta SOomaaliya.

Xaafadda Dhagax tuur ee degmada Afgooya ayaa marka hore laga maqlay qarax aad u wayn, kaas oo sida lasoo sheegayo khasaaro geystay.

Kaddib waxaa xigay rasaas aad u xoog badan oo jihooyin kala duwan ka imaaneysay kuwaas oo ay ridayaan qaar kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday oo aan goobta ka fogeyn.

Lama xaqiijin cidda weerarkaas soo qaadday, hadda waxaa la maqlayaa xab toos ah oo ay ciidanka dawladda iskaga caabbinayaan dhiggooda kooxihii weerarka soo qaaday.

Waxaa loo maleeyaa in ay Alshabaab yihiin, maadaama qaab ahaan weerarrada noocan oo kale ay iyaga sheegtaan mas’uuliyaddooda.