Wiil yar oo isku dilay Magaalada Muqdisho Dhacdo Argagax Leh?

Wiil yar oo da’diisa lagu sheegay 12-sano jir ayaa xalay fiidkii isku dilay Magaalada Muqdisho, kadib markii bistoolad uu lahaa aabihiis uu isku dhuftay, xilli uu ku ciyaarayay.

 Amuurtan ayaa waxa ay ka dhacday Degmada Waaberi, gaar ahaan xaafadda Buurdheere sida ay xaqiijiyeen qaar ka tirsan dadka degaanka oo Warbaahinta uga waramay dhacdadadan.

Wiilka is dilay, ayaa lagu magacaabi jiray Cadnaan Cabdi Cali, xilliga uu bistoolada ku ciyaaraayay, ayaa wuxuu galay qolka aabihiis, aabihiisna guriga waa uu ka maqnaa sida dadka degaanku sheegeen.

Cadnaan oo qolka aabihiis ku jira, ayaa mar keliya waxaa la maqlay dhawaqa xabad, durba markii qolka lagu cararayna la arkay Cadnaan oo meyd ah, gacantiisuna ay ku jirto bistooladii aabihii.