Wasiirrada Iyo siyaasiyiinta Ay Dawladda U Dirtay Jowhar Oo Gaaray Halkaas, Iyo Kulamo Gooni Gooni Ah Oo Durba Bilawday

Qaar kamid ah wasiirrada dawladda Soomaaliya ayaa hadda kusugan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle Soomaaliya.

Shirar kala duwan ayeey la yeesheen xildhibaannada, siyaasiyiinta iyo indheer garadka kasoo jeeda maamulkaas, si xaaladda ugu yaraan sidan wax looga baddalo.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Juxa, wasiirka amniga gudaha mudane Isloow iyo qaar kale oo kamid ah mas’uuliyiinta maamulka dawladda federaalka ayaa kusugan magaalada Jowhar si ay kulamo gooni gooni ah ula yeeshaan dhiggooda Hirshabeelle.

30-cisho ayeey heystaan guddi loo saaray in ay qaban qaabiyaan doorasho madaxwayne oo maamulkaas ka dhaceysa, kaddib markii laga xayuubiyay xilka mudane Cosoble.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle ayaa shalay galab usoo duulay dhanka magaalada Muqdisho si uu kula kulmo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Kheyrre oo si deg deg ah ugu yeeray madaxtooyada Soomaaliya.