Qalashadii Xalaaj – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed ”Hawd”

Erayga ”suufi” af ahaan macnihiisa dhabta ah haba yaraatee la isku ma raacsana. Dad baa yidhi waa magac laga soo qaatay marada suufka ah oo ay niman Alle ka cabsi badani xidhan jireen. Dad kale waxa ay yidhaahdeen waxaa laga wadaa qofka suufiga ah oo ay qalbigiisa iyo qofnimadiisa oo dhami sida suufka nadiif yihiin oo debecsan yihiin. Dad kale waxa ay ku macneeyeen qofka Ilaahay isu dhiibay oo lagu matalayo calal suuf ah oo dabayshu wadato. Laakiin run ahaantii macne dhab ah loo ma hayo.

Suufinnimada waxaa lagu macneeyaa heer rooxaaniyadeed oo qofku gaadho kagana gudbo heerkan dhow ee ay dadka caadiga ahi diinta iyo guud ahaanba ammuuraha Eebbe ka fahmaan. Gaadhista heerkaa waxaa lagu mutaystaa, baa la yidhi, amarka Eebbe ka sokow, dadaal aad u badan oo ah Alle jacayl, cibaadaysi iyo nolosha muuqata oo qiimigeeda la yaraysto. Markaas ayaa qofka loo furaa asraar iyo fahan dadka kale ka dahsoon. Asraartaa iyo fahankaa waxaa ka mid ah qofka oo Ilaahay arka, la hadla oo toos u la dhaqma. Waxaa ugu fog uguna weyn heer la yidhi qofka iyo Ilaahay baa isku milma oo isku mid noqda, taas oo ah dabcan wax ka baxsan garashada dabiiciga ah ee aadamiga. Taas ayay haddaba suufiyadu lee yihiin waa in la aqbalaa, loona arkaa in ay tahay wax aan qofka kale sinaba loo fahansiin karin. Waa ta keentay suufiyadu in ay ku hadlaan af maldahan oo ay yidhaahdaan macnaha erayada waxaa ka muhiimsan macnaha dahsoon ee qof heerkeeda gaadhay oo qudh ahi garan karo.

La isku ma raacsana dhaqanka suufinnimada taariikh ahaan asalkiisa, iyo goortii ama meeshii ama ciddii soo bilawday. Aqoonyahanka muslinku waxa ay u arkaan wax Diinta Islaamka ka dhashay oo aan sinaba uga baxsanayn, oo tusaale ahaan dabeecadaha ay suufinnimadu ku dhisan tahay giddigood waa dabeecadihii Rasuulka (scw), isaga ayaana ugu horreeyay qof muslin ah oo inta uu gooni u baxo oo dunida ka saahido cidla ku cibaadaysta. Aayadaha Quraanka iyo xadiisyada Nebigana in badan oo ka mid ah baa dhaqanka caynkaas ah dhiirrigeliya oo ammaana. Aragtidaa waxaa diiddan dad aan muslin ahayn oo qaba suufinnimadu in ay dhaqan diineedyadii hore oo dhan ku soo jirtay (tusaale ahaan Hindiya, Faaris, Giriig iyo Masiixiyadda), sidaa darteed aanay muslinka u gooni ahayn.

Muslinku iyaga oo sidaa suufinnimada u arka haddana qudhoodu ma garanayaan sidii ay ku timid ama ku bilaabatay, waxaa se la hubaa in ay ku beegan tahay badhtamihii qarnigii labaad ee Hijrada. Waxaa kale oo la hubaa in ay ka soo baxday dhulalkii fikirka islaamku berigaa aadku ugu xoogaystay ee maanta la ka la yidhaahdo Ciraaq iyo Eeraan. Ha ahaatee afarta caalim ee ilaa maanta loo yaqaan in ay tiirar u ahaayeen dariiqooyinka suufinnimadu berigaa bilawga ah waa ay ka dambeeyeen, waana ay isu xilli dhowaayeen. Waa afarta suufi ee loo yaqaan afarta Qudbi oo ka la ah:

Cabdilqaaddir Jiilaani (470 – 561 H)

Axmed Rifaaci (512 – 578 H)

Axmed Badawi (596 – 675 H)

Ibraahin Dasuuqi (653 – 696 H)

Xuseen Mansuur al-Xalaaj, oo ah ninka aynnu halkan uga soconnaa, waxa uu ku dhashay dhulka Eeraan milay ku beegan 858 miilaaddiga ama 244 Hijriga, waxa uu se ku noolaa magaalada Baqdaad oo xilligaa magaalamadax u ahayd Dawladdii Cabbaasiyiinta taladana uu hayay nink la odhan jira al-Muqtadir Billaah. Calanka dawladdaas ayuu Xalaaj hoos joogay isaga oo ah wadaad caalim ah oo suufi ah, qoraa aad u weyn, macallin diineed, iyo gabyaa dad badani jecel yihiin. Waxa uu ka dhashay qoys carbeed, isaga oo yar ayuuna Quraanka qaybay, dabadeed waxa uu ka mid noqday wadaaddo suufiyo ah oo diin barasho iyo cibaadaysi u go’ay. Sheekh Xalaaj waxa uu ahaa nin socdaal badan dhulal badan buuna isu soo maray ay ka mid yihiin Hindiya iyo Aasiyada Dhexe. Ugu yaraan saddex jeer buu xajka gutay, isaga oo markii kowaad sannad dhan Kacbada yuururay oo ku jiray aamus iyo cibaadaysi. Waxa uu sheegtay walinnimo isaga oo la soo baxay dabeecado iyo dhaqan aan caadi ahayn, waxa uuna sameeyay falal ka baxsan awoodda dabiiciga ah ee dadka, dabadeed waxaa ka daba dhacay oo raacay dad aad u badan.

Xalaaj kolkii uu caanbaxay waxa uu yeeshay cadow badan oo ay niman wadaaddo ahi ugu horreeyaan, iyo markii dambe niman dawladda ah. Colaadintiisi sababo badan bay lahayd, eedo badan baana dusha laga saaray, waxaa se ugu darrayd iyada oo la fahmi waayay oo cilinkiisa la saari waayay. Isaga oo ahaa caalim fogaaday oo dad badan wax baray kutub badanna qoray ayaa haddana fikirkiisa diineed meel loo raaco la garan waayay, xilligaas oo weliba loollanka fikir ee muslinku aad kululaa oo loo ka la miirmayay sunni, shiici, muctasil, raafidi, qaraamidi, raafidi, suufi iyo qaar kale. Saddex arrimood baa se ugu waaweynaa waxa godobayntiisa loo cuskaday. Ta hore waa masalooyin diineed oo la sheegay in uu si gurracan uga fatwooday taas oo keentay in ay wadaaddo kale isku dhacaan, isaga oo haddana marka la la doodo ku hadlaya luqadda maldahan ee suufiyada oo aan la fahmayn. Ta labaadna waa culimada qaarkood oo ku diiddanaa dhaqanka iyo falalka goor kasta laga soo sheegayo ee indhasarcaadka ah oo loo arkay wax uu dadka caammada ah diinta kaga fasahaadinayo. Ta saddexaadna waa iyada oo lagu tuhmay in uu abaabulayo kacdoon siyaasadeed oo dawladda lagu ridayo.

Hadalladiisa wada sarbeeban ee macnayaasha badan yeelanaya, ayaadaha iyo axaadiista uu u adeegsanayo si ka duwan sida ay dadku wax isugu sheegaan ayaa muran iyo dhagar badan u soo jiiday. Garo oo suufiyadu weligoodba waxa ay sheegtaan fahankooda diintu in uu ka sarreeyo ka dadka kale, fahankaas oo Ilaahay iyaga ku mannaystay, taasina ay tahay waxa keena ismaandhaafka iyaga iyo dadka kale. Xalaaj awoodda uu u lahaa in uu sameeyo wax caqliga ka weyn oo ay dadka isaga raacsani u qaateen karaamooyin walinnimo, wadaaddada kale waxa ay u arkeen sixir iyo khuraafaad uu dadka ku luminayo.

Qisooyinka ay dadka ninkaa necbaa ka sheegeen ee aadka u shaacay waxaa ka mid ah dhaqankiisu in aanu wadaadnimo ahayn ee ahaa falallownimo uu ku talaxtegay. Waxa ay yidhaahdeen caqiidadiisu islaamba ma aha ee waa wax waafaqsan diin gabowday oo la yidhaahdo Saadushtara taas oo Islaamka ka hor Eeraan xoog ku lahayd. Waxaa kale oo la yidhi socdaalladiisii badnaa waxa uu ku soo baranayay sixirka. Tusaale ahaan waxaa la sheegay mar uu Hindiya tegay in uu la kulmay naag samayaynaysay indhasarcaad yaab badan, dabadeed uu nin la socday ku yidhi: ”Naagtan darteed baan Hindiya u imid.” Waxaa kale oo lagu eedeeyay waxyaalaha uu dadka kaga yaabsadaa in aanay ahayn wax khayr diineed ku shuqul leh ee yihiin falal sixir iyo indhasarcaadin ah. Waxaa la yidhi dhulka inta uu yara qodo ayuu biyo ka keeni jiray, haddana inta uu meel kale qodo raashin ay xertiisu ka dheregto ka soo saari jiray, marka uu doonana khudrad aan xilligii ay bixi jirtay la joogin buu keeni jiray. Waxaas iyo wax la mid ah oo uu sameeyo ayuu ku sheegi jiray karaamo uu walinnimo ku helay dadka raacayna ugu khushuuci jireen.

Karaamo Ilaahay bixiyo oo suufinnimo isku muujisay, sixir iyo awood duulal dahsoon laga helay, iyo aqoon iyo awood maskaxeed oo xeelad lagu sameeyay ta ay noqotaba, Xalaaj waxa uu la yimid waxyaalo culimo iyo caammaba dadkii kaga yaabiyay. Waxa uu se dagaalka isaga iyo cadowgiisu meesha ugu xun gaadhay kolkii uu sheegtay, sida suufiyada lagu yaqaan, in ay isaga qofnimadiisa iyo Ilaahay midoobeen oo isku milmeen, sidaa darteed sifooyinka, awoodaha iyo erayada Rabbi isaga ka dhex muuqanayaan. Markaa waxa uu ku andacoonayaa haddii uu yidhaahdo ”aniga” anigadaasi in ay tahay Ilaahay oo isaga ka dhex hadlaya. Halkaa waxaa ku jirta waxa loo yaqaanno ”waxdat al-wujuud” oo ah midaysnaanta jiritaanka (abuuraha iyo la-abuuruhu waa mid). Taasi waxa ay keenaysaa in sida Xalaaj la sheegto wax loo yaqaan ”xuluul” oo ah Ilaahay in uu qofka dhex geli karo oo ku milmi karo, dabadeed qofku xaq u yeelanayo in uu yidhaahdo ”waxa aan ahay Ilaahay”.

Xalaaj isaga Eebbe ku halqabsanaya waa ninka afkiisa laga hayo geeraarka ah:

مُزِجَتْ روحُك في روحي كما * تُمزَجُ الخمرةُ بالمــاءِ الزُّ   *لال
فـإذا مسَّـكَ شـيءٌ مسَّـني * فإذا أنـتَ أنـا في كـلِّ   *حـال

Naftaydaa ugu milan naftaada, sidii khamri iyo biyo nadiifa

Saxar ku taabtaa anna i taabay, si walba waxaad tahay aniga

Sheegashadaasi dabcan berigaa iyo maantaba dadka waxa ay ku ridaysaa argaggax iyo qaadanwaa. Mar waxaa lagu sheegay waalli aanu qofku miyirqabin, waxaana la door biday in la xidho. Mar kale waxaa loo qaatay diinlaawe gaalnimo faafinaya. Mar kale waxaa loo arkay falallow jin iyo sheyddaan la shaqaysta oo dadka fasahaadinaya. Mar kale in uu yahay qof Ilaahay faddilay oo karaamooyin la siiyay. Culimo kalena wax ay ku sheegaanba waa ay garan waayeen oo ka gaabsadeen. Tusaale ahaan caalim Shaafici ahaa oo lagu magacaabi jiray abuu Cabbaas bin Sariij markii arrinka Xalaaj la wayddiiyay waxa uu yidhi: ”Waxa aan u arkaa xaafid Quraan caalim ah oo fiqiga ku xeeldheer, xadiiska iyo taariikhda iyo dhaqammadana caalim ku ah, sannadka oo dhan sooma, habeen oo dhan cibaado u taagan, dadka wacdiya oo cabsida Eebbe la ooya, laakiin hadal aanan fahmin buu ku hadlaa, markaa gaalnimo ku xukumi maayo.”

Fikirka sidaas u ka la qaybsan ayaa keenay dacwaddii Xalaaj lagu oogay in ay jiitanto oo fuqahada iyo maxkamaddu go’aan ka gaadhi kari waayaan, ilaa dawladdu soo faragelisay. Xilligaas Baqdaad oo ahayd xarunta Dawladda Islaamka mad’habaha Sunnigu dawladda waa ay u sinnaayeen, waxaana heshiis lagu ahaa in la wada shaqeeyo oo fatwada la soo wada saaro, maxkamadahana la wada fadhiisto. Laakiin arrinka Xalaaj qaaddiyadu waa ay isku khilaafeen, kuwii Shaaficiyada iyo Xanbaliyada ayaana diiday in gaalnimo lagu xukumo. Laakiin kuwa Maalikiyada oo iyagu arrimaha caqiidada ku kakan, iyo wasiir dawladda ah oo Xalaaj colaadinayay ayaa ka hadhi waayay, ilaa ay gaadhay boqorkii Muqtadir Billaah. Gaar ahaan arrinka waxaa dhanka dawladda u riixay iyada oo dhaqdhaqaaqa Xalaaj siyaasad laga dhex arkayay, ka dib markii xitaa ay boqorka hooyadii ku biirtay.

Sidii aynnu soo xusnay ninka arrinkiisa waa la isku khilaafay, kolkii dacwad maxkamadeed lagu oogayna Shaaficiyiintu waa ay ka baxeen. Laakiin wadaaddadii ay Xalaaj aadka isu diideen oo uu ugu horreeyo qaaddi la odhan jiray Maxamed Daa’uud ayaa god walba ugu galay, iyo wasiirkii dawladda oo isagana lagu magacaabi jiray Xaamid Cabbaas. Wasiirku inta uu maxkamadda yimid ayuu aad uga shaqeeyay Xalaaj in dil lagu xukumo. Maxkamaddu waxa ay dhegaysatay markhaatiyo badan oo foolxumooyin waaweyn Xalaaj ka sheegay, kuwaas oo qaarkood la malaynayo in ay wasiirka iyo wadaaddada raacsani soo abaabuleen. Markhaatiyadaa waxaa ka mid ahayd gabadh uu Xalaaj soddog u ahaa oo ku eedaysay in uu mar damcay in uu faraxumeeyo, iyo inantiisu in ay iyada mar ku tidhi: ”U sujuud aabbahay.” Iyaduna ugu jawaabtay: ”Oo ma cid aan Ilaahay ahayn baa loo sujuudaa?!” Isagii oo maqlayayna yidhi: ”Haa. Ilaaha samada iyo Ilaaha dhulka.” Waxaa ka mid ahaa dad sheegay in uu u fatwooday haddii ay gudashada xajka awoodi waayaan in ay ku xajiyi karaan wax ay Xaramka u ekaysiiyaan oo ay aqalkooda dhexdiisa ka dhistaan dabadeed ku dawaafaan, iyo haddii ay waxyaalo sameeyaan in laga dhaafayo waajibka soonka, salaadda iyo xajka. Dad badan oo kale ayaa ka sheegay dhaqammo iyo falal yaab badan oo aan caqligu rumaysan karin sida in uu shimbir bakhti ah soo nooleeyay. Xitaa waxaa la gaadhsiiyay in uu Ilaahnimo sheegtay oo ay dadka rumaysani caabudaan.

Maalintii ay dacwaddu gunaanadka ahayd ayuu qaaddigii Xalaaj wax ka wayddiiyay fatwooyin qarriban oo laga soo sheegay xukunkooda meesha uu ka keenay? Xalaajna waxa uu isku difaacay axkaamtaa in uu ku arkay kitaabka Ikhlaaska ee Xasan al-Basri. Dabadeed qaaddigii baa ugu jawaabay: ”Been baad sheegtay, dhiiggaagu waa xalaale, kitaabka Xasan ee Ikhlaaska Maka ayaannu ku maqallay oo waxaasi ku ma qorra.” Dabadeed wasiirkii ayaa qaaddigii ku jeestay oo ku yidhi: ”Hadalka aad tidhi ee ah ’dhiggaagu waa xalaal’ warqadda ku qor!” Inta uu khadkii u soo qaaday ayuuna qaaddigii iyo nimankii kale ee maxkamadda fadhiyay ku cadaadiyay in ay hadalkaa warqadda ku qoraan. Xalaaj isaguna intaa waxa uu ku cabanayaa in uu yahay nin muslin ah oo aan waxaa laga sheegayo shuqul ku lahayn sidaa darteed ay dulmiga ka daayaan. Laakiin sidii wasiirku doonayay bay noqotay oo hadalkii warqaddii baa lagu qoray, dabadeed wasiirkii baa la cararay oo boqor Muqtadir u geeyay isaga oo ku diraya oo leh: ”Ninka arrinkiisu faraha ayuu ka baxay oo umaddii baa ku fidmowday ee wax ka qabo.” Dabadeed boqorkii waxa uu soo saaray Xalaaj in kun shaabuug lagu dhufto, haddii uu intaa ku dhiman waayana kurka laga jaro. Waxa ay ahayd sannadkii 309 Hijriga una dhiganta 922 Miilaaddiga.

Waxaa la sheegay Xalaaj aroorta la dili doono habeenkeedii oo dhan in uu salaad iyo duco u taagnaa. Dabadeed subaxdii baa meel ay magaalada oo dhami ka daawanayso tiir lagu xidhay. Maalin dhan buu askari xoog weyni shaabuug ku garaacayay, markii kunkii lagu dhuftayna in uu dhinto iska daaye ismaba beddelin. Dabadeed gacan baa laga gooyay, haddana lug baa laga gooyay, haddana gacantii kale, haddana lugtii kale, welina wuu dhiman la yahay, sida ay taariikhyannadu isku wada raaceen. Muddadii ay ciqaabtu socotay waxaa lagu sheegay saddex maalmood iyo laba habeen. Waa kaa Xalaaj oo afartii dhaadheeraaba go’an yihiin tiirka ka lalmada, welina wuu dhiman la yahay. Intaana digri iyo Quraan buu daldalayaa. Bulshadii magaalada ayaa dabadeed foolxumada ka argagaxday, waxaana bilawday gadood akhlaaqeed oo sida wax u socdaan diiddan. Dabadeed seef baa Xalaaj qoorta lagaga gooyay.

Jidhkiisii la jarjaray inta la isu soo ururiyay baa la gubay, kolkii uu dambas noqdayna waxaa lagu saydhay webiga Dajla. Laakiin madaxiisii la ma gubin ee laba maalmood oo dambe ayuu ka lushay meel la sudhay oo buundada webiga ah. Markaa ka dib Baqdaad oo dhan waxaa la gaadhsiiyay kutubtiisii in aan la iibsan karin lana gadi karin. Kutubtiisiina sidaas ayay ku dabargo’day oo wax laga soo xigtay mooyee maanta mid qudha laga ma hayo.

Sidaas ayay ku dhammaatay ninkaa yaabka leh qisadiisii xanuunka badnayd. Laakiin taariikhdiisii ma ay dhiman ee waxa ay ka mid noqotay kuwa dunida ugu caansan, waana dhif culimadii iyo taariikhyahannadii hore cid aan wax ka qorini, xumaan iyo samaan mid uun. Ilaa maantana ninkaa arrintiisa waa la baadhaa: dhan diineed, dhan taariikheed iyo dhan bani aadamnimo intaba. Laakiin sidii markii uu noolaa la isugu khilaafsanaa baa weli la isugu diiddan yahay. Dad baa u arka in uu ahaa wali barakaysan oo karaamooyin ka burqanayeen laakiin la afgaran waayay. Dad kalena waxa ay u arkaan in uu ahaa daaquud sheyddaanku fidmeeyay isaguna dadka fasahaadinayay.

Haddaba Xalaaj in uu waallaa baa dhici karta. In uu qof wanaagsan ahaa laakiin la af garan waayayna waa suurtagal. Sidaa darteed in la baxnaaniyo dooddana la la sii wado oo fikirkiisa laga gun gaadho ayaa qummanayd. Waxaa se la yeelay sidii ugu liidatay oo ahayd in isaga oo nool sida dhurwaayada jidhkiisa la googoosto. Qisadaa kunka sannadood laga joogo mar kasta oo dib loo eego ama wax u eg la arko waxaa ka dhex muuqanaysa bahalnimada dadka ku jirta ee ka suurtowda. Wiilashii yaryaraa ee Fu’aad Shangole mindida saawirta ah Xamar ku qashay baa ka mid ah dhacdooyinka bahalnimada dadka ina xusuusiya.

Qalinkii:- Ibrahim Hawd