Muxuu Muqdisho Kasoo Doonay Cali Cosoble? Yuu U Dacwoonayaa? Yaase Ka Dambeeyay Xilka Qaadistiisa? (Sir Culus)

Madaxwaynihii xilka laga xayuubiyay ee Cali Cabdullahi Cosoble ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu ula kulmo qaar kamid ah wufuud caalami ah oo beesha caalamka mataleysay.

Xarunta xalane oo saldhig u ah beesha caalamka ayuu shir kula qaatay Cosoble wakiiladaas, isagoona u gudbiyay dacwad ka dhan ah dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in ay ka dambeysay xilka qaadistii lagu sameeyay.

Afar maalin kaddib Cosoble ayaa dib ugu soo noqday Muqdisho, kaddib markii uu dhawaan si dag dag ah ku aaday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe Koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay xildhibaannada Hirshabeelle jagada kaga qaadeen.