Muxuu Magaalada Muqdisho Kasoo Doonay Guddoomiyaha Maamulka Hirshabeelle? (Xog Muhiim Ah)

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabeelle uu si dhaqso ah safar aan loo sii shaacin kuyimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Kheyre ayaa ugu yeeray xafiiskiisa, sheekh Cusmaan Barre oo ah guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle, waxaana ay ka wada hadlayaan sidii xaalka uu noqon lahaa inta aan lasoo dooran mas’uulka xiga ee madaxwaynaha u noqonaya maamulkaas.

Diyaarad qaas ah ayaa kasoo qaadday Jowhar, gelinkii dambe ee Jimcihii, waxaana uu xalay seexday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, isagoona shirar wada tashi ah la qaatay qaar kamid ah siyaasiyiinta Hirshabeelle ee kusugan magaaalada Muqdisho.

Todobaadkii labaad ayaa sii socoda iyadoo Hirshabeelle aysan lahayn madaxwayne, maadaama horaan xilkii looga qaaday madaxwayne Cosoble oo lagu sheegay in uu hawshiisii gabay.