DEG DEG:- Dagaal Faraha Iskula Tagay Oo Ka Socda Gobolka Shabeellaha Hoose Iyo Ciidan Caddaan Ah Oo Qayb Ka Ah Dagaalkaas

Deegaanka Bariirre ee gobolka shabeelleaha Hoose warar naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in halkaas uu ka qarxay dagaal hubka culus iyo kan fudud ba la isku adeegsaday oo u dhaxeeya Alshabaab iyo AMISOM, waxaase xusid mudan in ciidan caddaan ah ay qayb ka yihiin dagaal.

Deegaanka Bariirre wuxuu 30-KM u jiraa qiyaastii degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, marka masaafada guud laga hadlana magaalada Muqdisho waxa ay u jirtaa ku dhawaad 60-km.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ay ciidanka dawladda iyo kuwa AMISOM ay saakadii hore weerar jihooyin kala duwan ah ku qaadeen deegaankaas oo ay ALShabaab qayb kamid ah maamulaan.

Si kastaba ha ahaatee isgaarsiinta degmadaas oo xun awgeed lama yaqaano khasaaraha uu geystay weerarkaas iyo dagaalkaas hadda ka socda degmada Bariirre ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaad kala socon doontaan haddii uu rabbi yiraahdo.