Ciidamo Miino Baarayaal Ah Oo Qarax Lala Eegtay Iyo Khasaaro Xooggan Oo Ka Dhashay

Degmada Balli Khadar ee gobolka Bari wararka naga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in qaar kamid ah ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee maamulka Puntland gaar ahaan kuwa qaabilsan arrimaha miino baarista ayaa ku geeriyooday qarax lagula eegtay deegaankaas.

Warbaahinta afka shabaab kuhadasha ayaa werineysa hadalkaas, waxaana la aaminsan yahay in dhawr askari ay naftooda halkaas ku waayeen.

Wixii Warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idin kala socod siin doonaa haddii uu rabbi qaddaro.