Akhriso Magacyada Dadkii Lagu Laayay Weerarkii Ka Dhacay Duleedka Jillib

Alshabaab ayaa soo saaray magacyada iyo liiska dadkii ku dhintay goobtii ay ka dhacday duqeynta ay ciidanka Mareykan ka u geysteen Qoyskii Soomaaliyeed.

Tuullada Axmed Yare ee duleedka Jilib ayeey ka dhacday xusuuq Banii Aadamnimo oo loo geystay xer iyo qoysas masaakiin ah oo ay diyaarado duqeeyeen.

Haddaba Alshabaab warbaahintooda ayaa soo bandhigay magacyada dadkii ku geeriyooday weerarkaas.

1-Sheykh Maxamed –Allaha U Naxariistee- waxaa lala dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray:

2-Xaawo Muudeey.

3-Aabbe Adeerkiisa ahaa, sidoo kalena dhalay Xaaskiisa oo la yiraahdo Muudeey Xuseen.

4-Sheykh Nuur Xaaji Garweyne oo qabay gabar uu dhalay Sheykh Maxamed.

5-Cabdi Naasir Sheykh Maxamed Sh. Axmed Yare, Waxaa Dhalay Sheykh Maxamed.

6-Cali Nuur Sheykh Nuur, Waxay Ilma Adeero yihiin Sheekha. Waxaana Dhalay Sh. Nuur Sh. Axmed Yare.

7-Shariif Sheykh Ooyaaye, Waxay ilma adeero yihiin Sheykh Maxamed.