Haddaanan is qirin, qiyaali baan ku noolaaneynaa. W.Q. Xasan Yuusuf Leego

Haddaanan is qirin, qiyaali baan ku noolaaneynaa. 

Xorriyadda_Roobow iyo Xarigga _Xasan Daahir.

Dhowr ka mid ah asxaabtayda, xigto ahaan markaa iila soo xariiray, ayaa i weyddiiyey “Sababta aanan waligey ka ga hadlin xarigga Xasan Daahir, laakiin aan Roobow u soo dhaweeyay?”

Waxaan rabaa inaan jawaab waafi ah ka siiyo dadkaas weyddiintooda, bulshada kale iyo saaxiibbadeyduna ogaadaan, waxa aan ka qabo xarigga Xasan Daahir iyo Xorriyadda Roobow. Inta aanan u guda-galin bar-tilmaameedka hadalkeyga, waxa aan u baahannahay inaan is weyddiino laba Su’aalood oo kala ah:

1: Yaa Xasan xiray Roobow na xoreeyay ?

2: Maxaa Xasan Xiray, Roobow na xoreeyay ?

Midda 1-aad: Xasan iyo Mukhtaar, waxaa ay ahaayeen cududdii iyo caqligii ka dambbeeyay, curashadii ururkii masiibada ahaa ee la magac baxay, (maxaakiimta Islaamka) oo ay labadoodu jagooyin sar-sare ka soo qabteen. Ururkaasu, waxaa uu ahaa marmarsiiyihii Cabdullaahi Yuusuf ay u gu suuragashay in uu adduunka ka dhaadhiciyo , in waddanka argagixiso heysato kadibna damaciisii ahaa in uu mar awood ku qabsado Muqdisho halkaas u ga hagaagay markii ay xabashidu dagaalkii fool-ka-foolka ahaa looga adkaaday wadaaddadii ka la jaadka ahaa.

Kuma noqonayo wixii intii Yuusuf Xamar joogay dhacay iyo bixitaankii Xabashida toona e, waxaan rabaa inaan maalmihii aan xog-ogaalka u ahaa ee ka la duway labadaan shaqsi iyo dhacdooyinka la gu xasuusto aan dul istaago.

Xabashidii maalinkii ay banneysay Magaalada Baydhabo, waxaa is la markiiba horay ka la wareegay maleeshiyo uu hoggaaminayey, Mukhtaar Roobow. Waxaa xilligaa magaalada ku sugnaa madax badan oo xildhibaano iyo saraakiil ciidan isugu jiray oo ku abtirsada dadka dega magaaladaas. Mukhtaar oo ahaa hoggaamiye koox Murtadiin u taqaanay waxa aan iyaga aheyn, waxaa uu si karaameysan uga dhoofiyey Baydhabo madaxdii uu halkaas ku qabtay, waxaana ay Jabbuuti uga qeyb-galeen shirkii la gu soo doortay MW Sh Shariif. Askartii iyo hubkii uu maalinkaas la wareegay na waa uu xifdiyay oo waa kaas manta dib ugu celiyey dadkii iyo deegaankoodii. Intii uu halkaas ka talinayey ma aysan dhicin tacaddiyo ama gabood-fal gurracan oo uu xigtadiisa iyo deegaankiisa u geystay. Waa se loo sinnaa tii Xamar ama meelo kale.

Waa nin abaal gaystay, waana loo gudayaahe, maanta uu sheegay in uu ka baxay kooxdii bahallada aheed 5 sano iyo 7 bilood ka hor, waxaa uu gabbaadsanayey dadkiisa. (Mukulaal Minankeedi Joogtay, Miciyo Libaaxlley). Wada hadalka dhexmaray isaga, Dowladda iyo daneeyeyaasha Soomaalida na, waxaa kaalin aad u weyn ku lahaa dadka uu ku abtirsado, iyo maamulkooda. (NIN GEED UU SHALAY WAABTAY HARSANAYA), waa taas maanta sahashay in uu si xor ah Xamar ugu xarragoodo. GEESINIMO.

Aan u imaado Xasan aniga oo wali ku jira, jawaabtii 1-aad: Intii Xamar dagaalkii Xabashida ka socday, Xasan waxaa uu joogay waddanka ERETARIYA. Bil kaddib markii MW Sh Shariif yimid Muqdisho, waxaa garoonka Balli-dooglle ka soo dagay Xasan Daahir. Aad baa loogu hanweynaa kaalintiisa hoggaamineed iyo garabsiinta raggii ay xulufada ahaayeen ee xukunkii dalka qabsaday. Waxaa loo ballan-qaaday wax kasta oo uu Dowladdaas ka dalbado in ka helayo, ee uusan dagaal galin.

Saldhigga dagmada Wardhiigley ayuu shir jaraa’id ku qabtay waxaana uu ku dhawaaqay in uu dhisayo garab Jihaadi ah oo la yiraa Xisbu-islaam. Dadkii daallanaa ee u han-weynaa maalinkaas bay naxdin cusubi taabatay. Tol iyo qaraabo wixii xigtadiisa ahaa ayaa isugu yimid. Waxaa ay ka waayeen wax aan dagaal aheyn. Xasan Daahir waxaa gacantiisa maalinkaas galay hub iyo dhallinyaro badan oo isaga ku heyb ahaa. Waxaa reer Muqdisho hadda yiraahdaan, “QAXII XASAN DAAHIR” waxaana uu ahaa qax ka dhashay dagaal uu la galay Dowladdii saaxiibkii/walaalkii Sh Shariif.

Intii uu dagaalkaas ku jiray, waxaa uu dhowr duullaan ku qaaday, deegaanno ka tirsan gobolka uu ka soo jeedo oo ay ka talinayeen, niman u abaabulmay, ka damqashada, GOWRACA kooxda Shabaab ay ku hayeen deegaannadaas. Waxaa ku dhintay wiilal ilma adeerro ah oo labada dhinac ka soo kala jeeday. BILAA SABAB.

Nabsi waa balaayee, Xasan barqo cad ayaa awooddii uu tolkii kula dagaalayey Shabaab ka tirsaday. Waa cad walaal oo la ga ma harine maalinkaas baa la yiri war isa soo dhiib. Waa u madax adeyge, waa uu diiday. Waa tii uu ugu dambayn ka soo fakaday, QALLIINKII GODANE. Isaga oo doon u ga soo fakaday Baraawe, soona magan galay tolkii uu shalay ku madax adeygay. Xasan Sh oo markaas waddanka ka talinayey iyo Sh Shariif oo uu shalay cadkiisii ciideeyay waa u simanyihiin. Macquul haddii uu sii dayn lahaa in uu sidii kii hore la dagaali lahaa.

Waxaa halkaas inooga cad in Mukhtaar tolkii abaal u galay maantana uu garabkooda iyo garaadkooda ku xoroobay, Xasanna uu tolkii xumeeyay ayna xirteen. “GAALKA DIL, GARTIISANA SII). Jawaab 1.

Tan 2-aad: Waa midda Mowqifka, Mukhtaar si cad ayuu u sheegay in uu qalad galay ka na toobadkeenay, cafisna uu dadka weyddiisanayo. GARASHO. Xasanna waxaa wali la qurxoon fikirkii gumaadka dadka iyo dhiig daadintii, mana cafis weyddiisan dadkii Soomaaliyeed oo uu dagaalka u horseeday. Waxaana 100 mar la ga codsaday in uu yiraa intii Mukhtaar maanta yiri, oo u ku helayo xorriyad meeshii uu doono ah. GAF.

Tanna soo na ma tusineyso, in Xasan wali isagu qoolkii is ku sii haayo, Roobowna is fakiyey?. Soomaalidu waxaa ay ku maah-maahdaa “MASKIIN AAN DANTIISA AQOON, WAA EHELU NAAR).jawaab 2.

FG: Tani waa aragtideyda, middaada adna aqriste xor baad u tahay. Waxaan se doonayaa, in tolkey garowsadaan waxa ka qaldan. Ogowna Xasan waa adeerkey marka abtigey, Mukhtaar na magaca Soomaali baan wadaagnaa.

 

 

W,Q. Xasan Yuusuf Leego