Guddoomiye Sh. Cusmaan Barre “Cosoble waxba ma magacaabi karo”waxaana Riday?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed oo la hadlay Warbahinta ayaa sheegay in Cali C/laahi Cosoble uusan magacaabi Karin Xilal islamarkaana uusan hada lahayn awood Madaxweyne.

Waxa uu sheegay in Baarlamaanka Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen hadana ay socoto qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulka hirshabeelle.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan shaqo ku lahayn xil ka qaadistii lagu sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle.

Waxa uu xusay in Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle ay xaq u leeyihiin in ay xilka ka qaadaan madaxweynaha islamarkaana awood Dastuuri ah ay tahay.

Sheekh Cusmaan Barre Maxamed Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa beeniyay wararka sheegaya in xil ka qaadista Cali C/llaahi Cosoble ay ka dambeeyeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda.