Madfac Qasaaro geestay oo Caawa Xaafad ku Taal Muqdisho ku soo dhacay”

Wararka Naga soo gaaraya Degmada Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in madfac uu ku soo dhacay Xaafada laba dhagax.

Hoobiyaha oo hal xabo ahaa ayey goobjoogayaal sheegeen inuu ku dhacay gudaha dukaan aad looga yaqaano xaafada oo lagu magacaabo Press Bakaaro xili dad badan ay ka dukaamysanayeen.

5; Qof ayaa la sheegay iney ku dhaawacantay Hoobiyaha ku soo dhacay Dukaanka kuwaas oo isugu jiray dad dukaameysanayay iyo kuwo marayay nawaaxiga dukaanka hoobiyaha uu ku dhacay.

Lama oga halka laga soo tuuray hoobiyahan, waxaana inta badan degmada Warta Nabada ku soo dhoco hoobiyayaal loo wada dhinaca Madaxtooyada kuwaas oo mararka qaar ku dhoco meelo ay bulshada ku badantahay.

Ciidamo katirsan Dowladda Somaliya ayaa gaaray goobta uu halka hoobiye ku dhacay, waxaana markii danbe goobta laga qaaday dadkii dhaawacyada soo gaareeb oo loola cararay Xarumaha Caafimaadka.