Maamulka Hirshabelle oo Go’aan lama filaan ah ka qaatay Xiisada Wadamada Khaliijka (Akhriso)

War Saxaafadeed ku qornaa luuqada Ingiriiska uu soo saaray Madaxweynaha xilka laga qaaday ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa looga hadlay xiisada wali ka aloosan Wadamada Khaliijka Carabta gaar ahaan tan u dhaxeysa Xulufada Sacuudiga iyo dowlada Qadar.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu sheegay in xiisada ka dhax aloosan Wadamada Khaliijka Carabta in ay Soomaaliya ku yeelan karto saameyn xun oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha.

Hirshabelle ayaa qabta in aan dhax dhaxaad laga noqon karin xiisada ka dhax aloosan Xulufada Sacuudiga iyo Qadar, waxa uuna maamulkan taageero u muujiyay Dowladda Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Qoraalka kasoo baxay maamulka Hirshabelle ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in dib u eegis ku sameyso go’aankii ay ka qaadatay xiisada Khaliijka, waxa ayna dowladda kula taliyeen in ay taageerto Xulufada Sacuudiga.

Warkan kasoo baxay maamulka Hirshabelle ayaa kusoo aadaya xili maamulka Puntland shalay sidoo kale soo saareen go’aankan oo kale kuna taageereen Xulufada Sacuudiga , waxa ayna u muuqdaan maamulada dalka ka jira in ay taageerayaan Sacuuduiga iyo Xulufadiisa.

Dowladda Somalia ayaa go’aan dhax dhaxdhaxaadnimo ah horey uga qaadatay Xiisada Wadamada Khaliika Carabta, waxaana go’aanada cusub ee kasoo baxay Hirshabelle iyo Puntland u muuqdaa mid aysan ku farxin Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya.

Mahaan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Hirshabelle