FIIRSO SAWIRO: Golaha Wasiirrada Hirshabeelle oo ayiday go’aankii xilka looga qaaday Cosoble

Golaha Wasiirrada Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirshabeelle.

Kulanka Wasiirrada waxaa shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle sidoo kalena ah ku simaha Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Wasiirrada ayaa shir kooda kaddib waxaa ay isku raaceen in ay taageersanyihiin go’aankii Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ay xilka uga qaadeen Cali Cabdullahi Cosoble.

Kulankan waxaa uu ahaa kulankoodii 1aad ee ay yeeshaan tan iyo markii la sameeyay Maamulka Hirshabeelle dhamaadkii Sanadkii 2016kii.

Dhanka Madaxweynaha Xilka laga qaaday ee Cali Cabdullahi Cosoble ayaa Gobolka Hiiraan u qeybiyay laba Gobol,waxaana uu magacaabay gobolka Shabeellada sare oo uu xarun uga dhigay Buulo Burte.