Yaa Ka Dambeeyay Xil Ka Qaadista Madaxwayne Cosoble? Isaga Ayaa Caddeynaya (Sir Culus Oo Fakatay)

Madaxwaynihii xilkiisa laga qaaday Cali Cabdulle Cosoble ayaa afka furtay, waxaana uu sheegay in xilka qaadistiisa ay ka dambeysay dawladda Soomaaliya, islamarkaana ay tahay wax laga soo maleegay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaalida.

Mudane Cosoble ayaa sheegay in uu khilaaf kala dhexeeyo dawladda taasna ay fududeysay in uu si fudud xilkiisa ku waayo.

Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Cosoble, waxaana ay sheegeen in uusan waajibkiisa kasoo bixin, loona baahan yahay in laga qaado xilkaas, sidoo kale ay muhiim tahay in laga shaqeeyo horu socodka maamulkaas.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa isna shalay ku raacay xilka qaadistii Cosoble, isagoona ku tilmaamay in loo maray wada sharciga ah ee madaxwayne xil looga qaadi karo.

Si lamid ah qaar kamid ah xildhibaannadii taabacsanaa Cosoble ayaa iyagana xilka ka qaaday guddoomiye Cusmaan Barre, kaas oo ay ku tilmaameen in uu yahay qof mar walba sharciga hareer mara.

Si kastaba ha ahaate Maamulkii Hirshabeelle hadda waxaa uu ku dhaw yahay in uu burburo, islamarkaana uu noqdo koobey koow iyo bilow cusub, maadaama uusan hadda jirin guddoomiye baarlamaan, iyo madaxwayne ba.