Ra’iisul Wasaare Kuxigeenkii Hore Ee Soomaaliya Oo Geeriyooday

AUN Waxaa geeriyooday wasiirkii hore arrimaha dibadda Soomaaliya C/raxmaan Jamac Barre oo xilal kala duwan kasoo qabtay dawladihii Soomaaliya iska kala baddalay.

Qoyskiisa ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in marxuumka uu ku geeriyooday dalka Mareykan ka, halkaas oo uu dagnaa tan iyo markii ay burburtay dawladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre oo uu jagooyin kasoo qabtay.

Ra’iisul kuxigeen ayuu kasoo noqday, sidoo kale wasiirka maaliyadda iyo wasiirka Arrimaha dibadda ayuu siyaabo kala duwan usoo qabtay, intii lagu guda jiray wakhtigiisii siyaasadda.

AUN C/raxmaan Jaamac Barre wuxuu ahaa walaalka ay adeerka wadaagaan AUN isna madaxwaynihii hore ee Soomaaliya MAxamed Siyaad Barre, maadaama ay kala dhaleen Jaamac Barre iyo Siyaad Barre oo ah laba qof oo walaala ah.

Waxaa la filayaa in Soomaaliya la keeno loogu aaso, looguna sameeyo aas qaran, maadaama mas’uul qaran uu soo noqday.