Puntland Sidee Bay Wax Ka Yihiin! Mise Hadda Ayeey Hurddo Kasoo Kaceen, Go’aan Waali Iyo Khilaafka Carabta

Puntland ayaa taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka, Warsaxaafadeed ku qoran English oo kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa looga hadlay xiisada Khaliijka iyo go’aanka Puntland  ay ka taagan tahay.

Waxaa Puntland sheegtay in xiriir soo jireen ah oo ku saleysan amniga iyo ganacsiga uu kala dhexeeyo Imaaraadka iyo Sacuudiga , sidaasi darteed ay garab taaganyihiin saaxiibadood Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Puntland waxay ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay dib u eegto go’aanka ay ka istaagtay arrinta, oo hadii aan laga fiirsan saameyn xun ku yeelan kara dadka Soomaaliyeed.

Xigasho Radio Risaala Muqdisho