Maxaa Dani Ugu Jirtaa Siyaasiyiinta, Shacabka Iyo Cid Walba Oo Kasoo Jeedda Maamulka Hirshabeelle (Qoraal Haddii La Dabbaqo La Heshiinayo)

Todobaadkan wararka ugu xiisaha badan waxaa kamid ah burburkii kudhacay maamulkii Hirshabeelle ee uu madaxda ka ahaa madaxwayne Cali Cosoble.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa xigay oo isna xilkiisa ku waayay ayidaad uu ayiday xildhibaannadii xilka ka qaaday Cosoble, sidoo kale madaxwayne kuxigeenka ayaa isna sheegtay in uu yahay madaxwaynaha rasmiga ah ee maamulkaas, hasa yeeshee taageerayaasha Cosoble ayaa isna markale ka qaaday xilkaas.

Taas ma ahan wax u wanaagsan, dhammaan masiirka ummadda maamulka HIrshabeelle maadaama ay hadda yihiin maamulka ugu yar maamullada dalka.

Danta waxa ay ugu jirtaa in ay asaaggooda ku dayadaan, islamarkaana ay eegaan maamuulada kale ee dalka ka jira kuwaas oo si heer sare ah ugu socda dawga wanaagsan iyo ilbaxnimada.

Deegaan ahaan waa mid kamid ah maamulada ugu deeqtoon dalka, sidoo kale waxa ay hadda u baahan yihiin in ay daba qabtaan, si loo ilaaliyo sharaftida iyo karaamada dadka sharafta u saaxiibka ah ee ka dhashay maamulkaas, balse aan ku jirin siyaasadda.

Siyaasiyiinta maaamulka Hirshabeelle waxa ay u baahan yihiin sidoo kale in ay tixgaliyaan qaddiyadda guud ee ah in la helo maamul goboleed si heer sare ah ula jaanqaada maamulada kale ee dalka ka jira.

Qalinkii Xuseen Madoobe Agaasimaha Shaaciye.com