Labo Kamid Ah Xiddigihii Ugu Muhiimsanaa Kooxda Jeenyo Oo Ku Biiray Horseed

Xiddigaha kala ah Xasan Cabdi Nuur Geesey (Xasaasi) iyo Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda kubbadda cagta Horseed.

Labadan laacib ayaa ka tirsanaa kooxda Jeenyo muddo dheer iyago waayo fiican ku soo qaatay kooxdan waxaan xasuus mudan in ay kula soo guuleysteyn tartankii General Daa’uudkii ugu dambeyay balse hadda waxey kamid yihiin xiddigaha kooxda Cawo iyo Maalin ee Horseed.

Xasaasi waa mid kamid ah xiddiga ugu fiican khadka dhexe Horyaalka Soomaaliya isago kooxda Jeenyo ku soo biiray sannadkii 2014kii xilligaas oo uu ka yimid dhanka Gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan magaalada Marko.

Xasan Cabdinuur Geesey ayaa u ciyaaray xulka qaranka Soomaaliya, isagoo dhoor jeer safari u raacay Ocean Stars. Dhanka kale Maxamuud Cabdi Nuur (Mayman) waa laacib weerarka ka ciyaara isagu lagu tilmaamo Cristiano Ronaldo maaddama uu yahay mid xirfad leh.

Mayman ayaa Jeenyo ku soo biiray sanadkii 2013-kii isagu ka yimid kooxda Daalo taasi ayaa ka dhigan inuu ku sugnaa kooxda Jeenyo Shan sano isago koobab badan la qaaday waxaana ugu dambeyay koobkii General Daa’uudka ay ka qaadeyn kooxda Banadir Sports Club sanadkii 2016-kii.

Kooxda Horseed ayaa wali soo bandhigini labadan saxiix waxaana laga dhoor sugi doona soo bandhigita xiddigaheeda Cusub .

Cawo iyo Maalin ayaa sannadkan horyaalka Soomaaliya ku dhammeysatay kaalinta 4-aad ee kala sareynta horyaalka Soomaaliya.

Waxaa Diyaariyay C/fataax Naani