Hey’adda Xuquuqul Insaanka HRW Oo Dawladda Ka Codsatay In La Baaro Dambiyadii Uu Galay Rooboow

Laetitia Bader oo ah sarkaal kamid ah hey’adda Human Rights Watch oo dhanka xuquuqda insaanka ka shaqeysa ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay baaraan dambiyada uu geeystay Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur.

Wadaadka ayaa gadood ka ahaa Alshabaab shantii sano ee lasoo dhaafay, waxaana uu kusugnaa isaga iyo koox sida jabhadda oo kale u sameysan degmada Abal ee gobolka Bakool.

Hadalka HRW ee ku aaddan in baaritaan lagu sameeyo dambiyada uu geystay Abuu Mansuur waxa ay kusoo aadeysa xilli shalayto uu qabtay shir jaraa’id islamarkaana uu ku xaqiijiyay mawqifkiisa ku aaddan arrinta shabaab iyo wuxuu ka aaminsan yahay.