Guddoomiyihii Guddiga abaaraha ee Degmada Mahaddaay  Xasan Aweys ayaa lagu dilay degaankaas kaddib markii Mooto uu ku socday lagu rasaaseeyay degaanka Buurweyn oo u dhow Mahaddaay.
Cabdullahi Maxamed Xuseen; oo ah Guddoomiyaha Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa u sheegay Warbaahinta in koox wadatay Gaari ay rasaas la dhaceen isaga oo saaran Mootadiisa.
Guddoomiyaha Mahaddaay ayaa weerarkaas ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen xubno ka tirsan Al-shabaab,waxaana uu xusay in ay ku daba jiraan oo ay baaritaan wadaan.
 Guddoomiyihii Guddiga Abaaraha ee Mahadday ee maanta la dilay ayuu sheegay Guddoomiyaha Mahaddaay in uu ahaa qof aad u wanaagsan islamarkaan si wanaagsan uga qeyb qaatay howlihii samafalka Abaaraha ee Degaannadaas.