Dawladda Soomaaliya Oo Maggafayaal Xabsiga Kaga Sii Daysay Sabab Qariib Ah (Sheeko Cajiib Ah)

Caydaruur Maxamed Naxar, Maxamuud Socdaal iyo Liibaan Cabdullahi Xuseen oo ahaa muqalasiin ama waxa ay SOomaalidu u taqaano Maggafayaal ayaa horaan lagu qabtay xudduudda waddamada Uganda iyo South Sudan. halkaas oo ay u tahriibinayeen wiil aan gaarin da’dii socdaalka, islamarkaana jiray 14 sano, laguna magacaabo C/raxmaan Xasan Cilmi.

Tan iyo markii la qabtay Booliska SUdan ayaa ku wareejiyay dhiggooda Soomaaliya si gudaha dalka loogu maxkamadeeyo, nasiib darro muddo ay xabsiga kujireen waxaa la waayay dad soo eedeysta ama dacweeyaa intii ay xabsiga kujireen.

Sida sharciga ahna dawladda Soomaaliya xaq uma lahan in muwaaddin isagoo aysan jirin cid dacweyneysa xabsi uu iskaga sii jiro, sidaa darteeda xabsiga ayaa laga sii daayay  dambiilayaashaas qaranka SOomaaliya oo idil dambigaas ka galay,

Si kastaba ha ahaate sii deysmada waxa ay tahay mid kamid ah waxyaabaha ugu adag ee aan mudneyd in si fudud lagu qaato, maadaama ay yihiin Maggafayaashaas kuwa dhallinyaradaSOomaaliyeed ku qalqaaliya in ay dalka isaga guuraan kuna dhintaan saxaraha Liibya iyo Sudan U dhaxeeya ama xitaa badwaynta Midditerian-ka.