Cali Guudlaawe: “Aniga ayaa Madaxweyne ka ah Hirshabeelle”,

Madaxweyne ku xigeenka  Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe,ayaa sheegay in uu aqbalay xilka qaadista Madaxweynaha Maamulka Hirashabeelle islamarkaana uu isaga yahay madaxweynaha KMG ah ee Hirshabeelle ilaa Madaxweyne kale laga soo dooranayo.

Guudlaawe waxaa uu ahaa mas’uulka kaliya ee ka mid ka ah madaxda ugu sarreysa Hirshabeelle ee aan hadda ka hor ka hadlin dabeysha mooshinka ee ka socotay magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa sheegay in uu sax yahay mooshinka xilka looga qaaday  Cali Cabdullahi Cosoble waxaana uu xusay in 30 cisho gudahood Madaxweyne loogu sameynayo Hirshabeelle.