Baddalka Abuu Mansuur:- Alshabaab Oo Soo Bandhigay Sarkaal Iska Soo Dhiibay Dhanka Dawladda (Sheeko Xiiso Badan)

Idaacadda afka Alshabaab ku hadasha ee Alfurqaan ayaa baahisay war ah in ay uu isa soo dhiibay mid kamid ah askartii la shaqeyneysa ciidanka Ethiopian ka ee gobolka Jubbada Hoose Soomaaliya.

Askariga isa soo dhiibay ayeey ku sheegeen Alshabaab magaciisa in uu yahay Cabdullaahi Ciise Maxamed, waxaana uu watay xilliga uu isa soo dhiibayay qori nooca ay Soomaalida u taqaano AK47.

Degmada Jillib ayaa lagu soo bandhigay askarigan, oo xiran Tuutihiisa, waxaana ay sheegeen in uu ahaa mid kamid ah madaxda sare ee horjoogayaashii u adeegayay ciidanka Ethiopian ka ah ee kusugan magaalada Kismaayo sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba ha ahaatee Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ayaa iska soo dhiibay dhanka iyo dawladda Soomaaliya todobaadkan, waxaana uu caddeystay mawqifkiisa ku aaddan halka uu ka joogo Alshabaab.

Baddalka, warbaahinta Alshabaab ayaa baahineysa askarigan isa soo dhiibay ee kasoo cararay sida ay sheegayaan dhanka iyo dawladda Soomaaliya.