Waa Kuma Madaxwayne Goboleedka Xiga Ee Kalsoonida Lagala Noqonayo? (Sir Culus)

Xildhibaan C/fitaax Geesey oo kamid ah golaha shacabka ayaa aad u weeraray madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan, waxaana uu ugu baaqay in uu xilka iskaga dago, maadaama uusan waxba qaban.

Saddex-dii sano ee uu xilka hayay Shariif waxa uu ahaa mid kamid ah hoggaamiyayaashii ugu saameynta iyo xasaannadda badneyd siyaasadda Soomaalida, sidaa darteeda hadalka Geesey ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf badan uu u dhaxeeyo siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed iyo madaxwaynahooda Shariif Xasan.

DHawaan ayeey ahayd markii xilkiisa laga qaaday madaxwaynihii maamulka Hirshabeelle mr Cosoble, islamarkaana ay u fadhiisteen baarlamaanka maamulkaas.

Si kastaba ha ahaatee hadalka xildhibaan Geesey wuxuu imaanaya xilli Shariif Xasan uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.