Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Cali C/laahi Osoble oo maalmihii dambe ku sugnaa Magaaladda muqidsho ayaa maanta ku wajahan Magaalada Jowhar kadib xil ka qaadistii shalay lagu sameeyay.
Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hir-shabeelle Shiikh Cusmaan Barre waxaana haatan magaaladda Jowhar ee caasimadda Maamulkaas ka socda qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo madaxweynaha.
Xildhibaanada Baarlamanka Hir-shabeelle kulan ay ku yeesheen shalay magaalada Jowhar ayaa xilka looga qaaday Madaxweynihii maamulkaas Cali C/llaahi Cosoble, kaddib markii ay mooshin xil ka qaadis ka keeneen.
68-xildhibaanada ayaa u codeysay xil ka qaadista Madaxweynaha halka afar Xildhibaan ay ka aamuseen.
Kusimaha Guddoomiyaha Baarlamaanka ahna Guddoomiye kuxigeenka labaad Canab Axmed Ciise ayaa sheegtay in 68 Xildhibaan ay cod gacan taag u qaadeen xil ka qaadista Madaxweynaha, iyadoo xustay in wixii hada ka dambeeya xilka uu si KMG u heynayo Madaxweyne kuxigeenka Cali Guudlaawe, inta laga soo dooranayo Madaxweyne cusub.