Sawirro: Madaxweyne Cosoble:-“Sifada Loo Maray Xil Ka Qaadisteyda Waa Qalad”

Madaxweynaha xilka laga xayuubiyey ee maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Magaalada Jowhar oo uu maanta gaaray kaga dhawaaqay in sifo sharci darro uu ku tilmaamay loo maray xil ka qaadistii lagu sameeyey, isagoo sheegey in uunan aqbali doonin xil ka qaadistaasi.

Maalinimadii shalay ayaa Magaalada Jowhar waxaa ka qabsoomay  Kulan ay shir gudoomineysay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka maamulkaasi, iyadoo markii shirkaasi soo idlaaday warbaahinta u sheegtay in Madaxweyne Cosoble xilka laga qaaday oo ay xildhibaano gaarayo 68 xildhibaan ay kalsoonida kala laabatay.

Waxaase shirkaas iyo wixii kasoo baxay waxba kama jiraan ku tilmaamay Madaxweynaha la sheegay in xilka laga qaaday isagoo gaashaanka u daruuray xil ka qaadistaasi, sheegeyna in xildhibaano gaarayo 50 xildhibaan ay maantadaan kusoo dhaweeyeen Magaalada Jowhar.

Is qab qabsigaan u dhaxeeyo Madaxweynaha la sheegey in xilka laga xayuubiyey iyo xildhibaanada maamulkaasi ayaa marba marka ka dambeyso cirka isku sii shareerayo, iyadoo laga dhur sugaayo halka uu ku dambeynm doono.