Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay War ka Farxiyay Barakacayaasha Muqdisho?

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed oo ka hadlay dhibaatooyinka Abaaraha ayaa sheegay in ay jiraan 100 laal Qoys oo ka soo Barakacay Abaarta oo ku dhibaateysan Magaalada muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in aysan ku filneyn dadkaasi Deeqaha Gargaarka ee la siiyo, balse ay u baahanyihiin in loo sameeyo Shaqo abuur, si looga caawiyo dhibaatooyinka Nololeed ee ku heysta Gudaha Dalka.

Guddoomiye Taabid ayaa carabka ku dhufatay in maamulkiisa uu Barakacayaasha u sameyn doono Shaqo Abuur, islamarkaana dhawaan ay Tallaabo u qaadi doonaan sidii ay shaqooyin u heli lahaayeen dadkaasi Danta yar.

Haddii uu ka dhabeeyo Tallaabadan Guddoomiye Gobolka ayaa waxa ay fursad u noqon doontaa dadka Barakacayaasha ah, kuwaasi oo dhibaatooyin iyo Duruufo adag ay ku heystaan Magaalada Muqdisho.