Jeesow: “waan soo dhaweyneynaa xilka qaadista Cosoble”Sidoo kale 3 Bil Mushaar ma qaadan Xildhibaanada BFS

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo xilka qaadista lagu sameeyay Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble.

Daahir waxaa uu sheegay in XIldhibaannada Maamulka Hirshabeelle ay ku saxnaayeen tallaabada ay xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Maamulkaas.

Jeesow waxaa uu beeniyay in XIldhibaannada Federaalka ee ka soo jeeda Hirshabeelle ay lacag ku bixiyeen xilka qaadista Cosoble,waxaana uu xusay in aysan jirin lacag ay ku bixiyeen.

Waxaa uu intaas ku daray in aysan Xildhibaannad federaalka heysan lacag ay mooshin ku bixiyaan,maaddaama sida uu sheegay aysan saddex bilood lacag qaadan.

Waxaa uu sheegay in maanta ay shir ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho Xildhibaannada Federaalka ah ee ka soo jeeda Hirshabeelle kaas oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aaddan xilka qaadista lagu sameeyay Madaxweyne Cosoble.