Guddoonka Aqalka Sare Iyo Wakiilka QM Michael Keating Oo Arrin Dumar Ka Bilaabatay Iskugu Dhacay (Sheeko Mudan In La Akhriyo)

Guddoonka aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi ayaa si kulul uga jawaabay, warqad uu dhawaan soo qoray wakiilka gaarka ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada midoobe Ambasaddor Michael Keating, kaas oo sheegay in aan loo dhammeyn caddaaladna ahayn in guddiga doorashada aysan ku jirin wax dumar ah.

Warqad kasoo baxday xafiiska wakiilka qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaali Amb Michael Keatin ayaa sheegay in aanu ahayn wax dastuuri ah in dumar laga waayo guddiga dib u eegista dastuurka ee dhawaan labada aqal ay magacaabeen

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in tani ay tahay wax iska fudud, maadaama keliya booskaas ay u tartantay hal qof oo dumar iyadana ay ku dhacday in kamid noqoto, baddalkana aan loo baahneyn iyo la buun buuniyo middaas.

Sidoo kale guddoonka ayaa ka hadlay arrimo badan oo u qabsoomay aqalka sare tan iyo bilawga kalfadhigooda labaad ee sannadkan.

Micheal Keating ayaa si wada jir ah u weeraray Labada aqal isagoo sheegay in loo baahnaa isku dheeli tiranka iyo koontada dumarka ee dhanka guddiga dib u eegista dastuurka Soomaaliya.