Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Taageeray Go’aankii Xildhibaannada

Jowhar warar naga soo gaaraya hadda waxa ay sheegayaan in guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre uu taageeray xilka qaadista lagu sameeyay madaxwaynaha maamulkaas Cali Cabdulle Cosoble.

Shalay ayeey ahayd markii xildhibaannada maamulka Hirshabeelle ay xilka ka qaadeen Mr Cosoble, iyagoo ku eedeeynaya in uu gudan waayay hawshii loo igmaday.

Guddoomiyaha baarlamaanka oo maanta tegay Jowhar ayaa shir jar’aaid u qabtay saxaafadda waxaana uu sheegay in ay ansax tahay uuna ku raacsan yahay xildhibaannada maamulkaas xilka qaadistii ay kusameeyeen madaxwaynaha maamulkaas Cali Cosoble.

Si kastaba ha ahaate xaaladda Jowhar ayaa ah mid aad u kacsan waxaa jira nux nux hoose iyo sheekoyin ay iswaydaarsanayaan siyaasiyiinta iyo dadka ka ag dhaw xildhibaannada maadaama muujado siyaasadeed ay ka furmeen halkaas.

Cali Xuseen Guudlaawe oo ah madaxwayne kuxigeenka maamulkaas ayaa xilka sii heyn doona sida uu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.