DEG DEG:- Kooxo Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Gaari Ay Saarnaayeen Qoys Rayid Ah Magaalada Muqdisho! (Dhammaan Qoyskii La Waxyeele’; Sheeko Xanuun Badan)

Gaari ay saarnaayeen qoys ka kooban siddeed qofood ayaa lagu rasaaseeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Agagaarka Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho ayeey ka dhacday dhacdadan xanuunka badan oo lagu beegsaday qoyskaas aan waxba galabsan oo gurigooda si nabad ah kaga soo baxay.

Waxaa la xaqiijiyay in 8-qofood ay ka koobnaayeen dadka saaran gaariga, ayna dhinteen saddex kamid ah qoyskaas, sidoo kale shantii kale ayaa ku dhaawacmay, sida ay goobjoogayaal inoo xaqiijiyeen.

Dhaawacyada la arkay waxaa kamid ah hooyada qoyskaas iyo canug yar oo ay dhabta ku wadday oo wada dhaawacmay, islamarkaana isbitaalka lala cararay.

Lama Yaqaano sababta loo beegsaday qoyskaas, balse ciidanka nabad sugidda ayaa durba yimid goobta waxaana ay bilaabeen baaritaan iyo daba gal falkaas la xiriira.