DEG DEG:- Alshabaab Oo Weerar Khasaaro Geystay Ku Qaadday AMISOM

Warbaahinta taabacsan Alshabaab ayaa baahisay in dagaalyahanno katirsan kooxdaas ay weerar ku qaadeen degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan ciidanka AMISOM xarun ay halkaas ku lahaayeen.

Weerarka sida ay sheegayan waxa uu ahaa mid gaar ah oo marka hore qarax ku bilawday. kaddib weerar toos ah iskugu baddalay.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli dhawaan ay Shabaab hawl galo kala duwan ka qabteen gobolkaas, maadaama ay AMISOM gobolkaas cuddud badan ay ku leedahay.