5-Waxyaabood Oo Uu Sheekh Mukhtaar Rooboow Kaga Hadlay Shirkiisa Jaraa’id Maanta

Sheekh Mukhtaar ayaa saxaafadda la hadlay maanta, waxaana shir jaraa’id oo ka dhacay Royal Hotel uu ka caddeeyay in uu kabaxay kooxdii Alshabaab.

Haddaba waxa aan idin soo gudbineynaa saddex waxyaabood oo uu kaga hadlay shiikha shirkiisa jaraa’id.

  1. In Uu Ka baxay Alshabaab, 5-sano iyo 8-bilood kahor, dhawr jeerna lagu weeraray deeganka Abal ee gobolka Bakool Soomaaliya, uuna iska difaacay.

  2. In Ay Kala duwanaasho caqiiddo ay jirto, labada dhinac, isaga iyo Alshabaab.

  3. in uu hadda doonayo in la cafiyo islamarkaana uu kasoo noqday dhammaan wixii uu geystay maalmihiisii Shabaabnimada.

  4. In uu dawladda wada hadal ay u socdaan, islamarkaan meel wanaagsan ay hadda marayaan.

  5. In uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo dawladda, uuna la dagaalamo Alshabaab iyo waxa lamidka ah.