Xog: Mukhtaar Roobow oo ku biiraya dagaalka Al-shabaab

Mas’uuliyiin u hadashay maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Wadaadka isku soo dhibay Dowladda Soomaaliya Mukhtaar Robow uu ku biiri doono dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Mukhtar Roobow ayaa shalay isku soo dhiibay maamulka Koofur galbeed iyo Xukuumada Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka amniga Koofur galbeed oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in Roobow uu kamid ahaa aas aasayaashii Al-shabaab uuna qeyb ka noqon doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Mudane Cabdirisaaq Cabdi Aadan Wasiir ku xigeenka amniga Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Roobow uu haysto maleshiyaad badan uu kula dagaalami karo Al-shabaab.