Xildhibaannada Hirshabeelle Oo Xilka Ka Qaaday Madaxwaynaha Maamulkaas Mudane Cosoble

Wararka hadda inaga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in xildhibaannada maamulkaas ay xilka ka qaadeen madaxwayne Cali Cabdulle Cosoble.

Inkabadan 60-xildhibaan ayaa saakadii hore saxiixday Mooshinka madaxwaynaha ka dhanka ah, sidaa darteeda galabta ayeey ka tuureen xilka, taas oo muran iyo dood dhalisay.

Isku dhax yaac badan ayaa ka jiray maamulkaas dhawaannahan, balse ugumaba jirin todobaadkan oo xildhibaannada maamulkaas ay aad kaga gadoodeen dhanka maamulkooda.

Lama oga talaabada xigta ee mudane Cosoble, mar haddii xilka laga qaaday, balse waxa ay u eg tahay sheekadii ay sameeyeen mas’uuliyiinta maamulka Galmudug Soomaaliya oo horaan uga taqalusay madaxwaynahoodii C/kariim Xuseen Guuleed.