War Deg deg ah: Qarax ka dhacay nawaaxiga Garoonka Aadan Cadde

Wararka inaga soo gaaraya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, ayaa ku waramaya in qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay meel aanan ka fogeyn Garoonka.

Qaraxan ayaa wuxuu ka dhacay ka soo horjeedka Hotel Jazeera oo sidaas aanan kaga fogeyn Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna ahaa qarax lagu xiray gaari uu watay ruux la sheegay inuu taksiile ahaa.

Dad ka agdhaw Garoonka Aadan Cadde, ayaa Warbaahinta u sheegay in la qarxiyay gaari Taksiile uu watay, halkaasina uu ku geeriyooday ruuxii Taksiilaha ahaa ,waxaana sidoo kale uu dhaawac soo gaaray qof kale oo gaariga Saarnaa

Hay’addaha ammaanka Dowladda ayaa durbadiiba gaaray goobta ay wax ka dhaceen, waxaana socda Baaritaanka ku aadan qaraxa dhacay.