Shalay ayeey ahayd markii uu Magaalada Muqdisho soo gaaray wadaadka caanka ah ee Abu Mansur kaas oo isku soo dhiibay dawladda Soomaaliya.
Dadka qaar ayaa iswayddiinaya sababta aan loo arkin sawirka Abu Mansur maadaama uu madaxda dalka la kulmay.
Ilo wareed ku dhaw Xarunta Maamo Khadiijo oo ah goobta la dejiyay sheekha ayaa inoo xaqiijiyay in Sheekha uu xaalad caafimaad ay soo wajahday islamarkaana dhanka kale daruuf iyo duurka uu ka muuqdo maadaama 10-Sano iyo kabadan uu keynta kujiray.
si kasta ba ha ahaate dhawaan ayaa la filayaa in saxaafadda loosoo bandhigo Abu Mansuur marka uu ka baxo xaaladda caafimaad ee hadda la gudboon.