Maxaa Ku Dhacay Siyaasiyiinta Beesha Shiikhaal? (Warbixin Xasaasi Ah)

Beesha Shiikhaal oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed islamarkaana leh aqoonyahanno, siyaasiyiin waxgarad iyo dad Soomaalida wax gal u ahaa ayaa hadda meel cid la ah ka taagan masraxa siyaasadda Soomaalida xilligan la taagan yahay.

Sababo kala duwan ayaa loo aaneeyaa hoosu dhaca ku dhacay beeshan, hasa yeeshee sababta ugu wayn ayaa ah in siyaasiyiinta beesha Shiikhaal ay is moodeen Daarood iyagoo la ogyahay in ay yihiin Hawiye Martiile Hiraab Ah.

C/raxmaan Dheere waa xildhibaan ahna wasiiro dawlle kamid ah xukuumadda Kheyrre, in Shiikhaal ay ku qanacsanaato wasiiru dawlle ma ahan waxa aqoonyahannada iyo dadka cuqaasha beeshaas ay u riyaaqsan tahay, sidaa darteeda tani waa aragtida siyaasiyiinta oo keliya aan helayn loolan iyo dagaal marka ay u tartamayaan kuraastooda.

Dhammaan xildhibaannada beeshaas ay leedahay waxaa heysta xanuun nafsi ah kuwaas wada aaminsan in aan booskooda cidina kula loolameyn maadaama wadaaddo iyo xukunka ay ka fog yihiin siyaasiyiinta kale ee beeshaas.

Waa mid kamid ah sababaha keenay dib u dhaca beeshaas ee masraxa siyaasadda Soomaaliya, hasa yeeshee waxaa looga gudbi karaa in la helo siyaasiyiin aqoonyahanno ah kuwaas oo ka fikiraya masiirka ummaddooda, iyo dadkii iyaga soo doortay ee ay matalayeen.

Siyaasiyiinta C/raxmaan Dheere lamidka ah waa ay badan yihiin, oo qabiil kasta ayaa laga helayaa, hasa yeeshee kuwa Shiikhaasha ah uguma ba jiraan sida ay sheegayaan qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka beeshaas oo aan la hadalnay.