Kofi Annan: oo Xog Badan Kashifay “ICC madaxda Afrika ayey u sameysan tahay ?

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Koofi Anan ayaa sheegay in Maxkamadda loogu yeero dambiyada Adduunku ay tahay mid aan caddaalad ku saleysneyn haddii ay caddaalad fashana kaliya qaadda kiisaska Madxda Qaaradda Afrika.

Hadalka Kofi Anan,waxaa uu ku soo beegmay iyada oo madaxda Midowga Afrika ay u fadhiyaan in ay ka baxaan Maxkamaddaasi oo ay ku eedeeyeen in loo sameystay Qaaradda Afrika.

Anan,ayaa ku eedeeyay hoggaaanka Maxkamadda in aysan marna qaban kiisaska Madaxda kale ee Caalmka ee dambiyada gala,kaliyana ay u taagan tahay Afrika,waxaana uu xusay in taas ay dhabar jab ku tahay jiritaanka Maxkamadda ICC.

Koofi Anan waxaa uu Madaxda Afrika ugu baaqay in ay sameystaan Maxkamad xallisa khilaafaadka Afrika oo aan hoos tagin Reer galbeedka si ay caddaalad u hesho Qaaradda Afrika.