Farmaajo, Kheyrre Iyo Shariif Xasan Oo Si Wada Jir Ah Kaga Hadlaya Arrinta Rooboow Iyo Villa Soomaaliya Oo Shib Shib Ah

Warar hoose oo madaxtooyada inaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in halkaas ay kulamo albaabbada u xiran yahay ku yeelanayaan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxwayne Farmaajo iyo hoggaamiyaha koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, kulanaas waxaa looga hadlayaa masiirka iyo halka uu ku dambeyn doono Abuu Mansuur.

Qaabkii loo soo bandhigi lahaa Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur iyo talaabada xigta ee caafimaadkiisa, maadaama uu xanuunsanayo.

Ujeeddooyinka kulankan ayaa ah sidii loo dardar gelin ahaa dib usoo kabashada caafimaad ee Sheekha, sidoo kalena door looga siin lahaa la dagaalanka Alshabaab maadaama uu si adag kaga soo badbaaday in ay dilaan.

Bishii June ee sannadkan, dawladda Mareykan ka ayaa ka saartay Abuu Mansuur Liiska arggigixisada, maadaama uu baxsad ahaa saddex dii sano ee lasoo dhaafay.

Wararkii kusoo kordha kulankaas dib ayaad kala socon doontaan haddii uu rabbi qaddaro.