Ciidamada Ethopia oo Shacab Ku Laayay Gobalka Gedo iyo Xiisan Taagan

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saakay xiisad u dhaxeyso ciidamada itoobiya iyo dad shacab ah ay ka taagan tahay degmadaasi.

Xiisada ayaa timid kadib markii ciidamada itoobiya gelinki danbe ee shaley duleedka degmada Garbahaareey  ee Gobolka Gedo ay ku dileen  4-qof oo shacab ahaa.

Dadka ay dileen ciidamada itoobiya ayaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen dad xoola dhaqato ah sida Warbaahinta ay u xaiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Garbahaareey.

Ehalada dadka la laayay ayaa saakay isugu soo baxay degmada Garbahaareey waxana ehalada dadka ay ciidamada itoobiya u diideen in degmada ay biyo u soo doontaan.

Ciidamada itoobiya  ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM ayaa had iyo jeer tacadiyo aan lagula xisaabtamin ka geysta deeganada ay kaga sugan yihiin gobolada soomaaliya.