AKHRISO:- Waddanka Uu Ku Noolaan Doono Abuu Mansuur Oo La Sii Ogaaday!

MAr haddii uu dawladda isku dhiibay Abuu Mansuur dad badan ayaa aaminsan in wadaadkan uu ka tagayo dalka, isagoona u hanqal taagaya in uu maro, waddadii ay mareen Maxamed Siciid Atam iyo Abu Bakar Iimaan kuwaas oo marka ay Alshabaab iyo ururadooda kasoo goosteen ku noolaaday ama degay waddanka Qatar.

Dawladda Qatar oo la aaminsan yahay in ay gacan mugle ka geysatay soo badbaadinta Abuu Mansuur oo ay Alshabaab isku dhacsanaayeen.

Warar Hoose ayaa sheegaya In Fahad Yaasiin uu markii hore ahaa dulaalka dawladda Qatar iyo abuu Mansuur, markale isaga ayaa la aaminsan yahay in uu ka shaqeynayo middaas, maadaama uu gacan saar la leeyahay labada dhinnac.

Si kastaba ha ahaatee sidoo kale waxaa macquul ah in uu iska sii joogo dalka isagoo heysta magan galyo siyaasadeed iyo amaan gooni ah mar haddii laga saaray liiska argigixisada, uuna ka baxay Alshabaab.