Yaa Ka Shaqeeyay In Abuu Mansuur Uu Isku Dhiibo Dawladda? (Sir Culus)

Warar dhawaan soo baxayay ayaa sheegayay in AMiir kuxigeenkii hore ee Alshabab Sheekh Mukhtar Roboow uu isku dhiibay dawladda Soomaaliya Muddo tobaneeyo sano oo uu falaago ahaa.

Aqoonyahannada, Siyaasiyiinta, iyo cuqaasha beesha uu kasoo jeedo Leesaan ayaa ka shaqeysa sidii loo difaaci lahaa wadaadka, maadaama ay Alshabaab isku dayeen in uu dilaan.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kaalin lixaadleh ka qaatay badbaadinta Abuu Mansuur, waxaana ay kamid yihiin dadka ugu horreeya ee loogu mahdinayo isku dhiibadda Abuu Mansuur.

Saraakiisha ciidanka ee beesha uu kadhashay oo ka duuleysa cafisyadii horey loogu sameeyay hoggaamiye diimeedyo ay kamid ahaayeen Axmed Madoobe, Maxamed Siciid Atam, Sheekh Abuu Bakar Iimaan iyo culima kale, ayeey go’aansadeen in ay la midoobaan wadaadkooda, kaddib hadda waxaa loola kicitamay dhanka iyo xuddur.