Waa Kee Wakhtiga Keliya Ee La Arko Siyaasiyiinta Beesha Abgaal? (Kashifaad)

Beel walba iyo siyaasiyiintooda, Abgaal marka la joogo waxaa jira siyaasiyiin indho u ah bulshadaas, kuwaas oo lagu daydo.

Maanta waa ay yartahay in la helo siyaasi Abgaal ah kaas hadaf fog leh islamarkaana dalkana hannan kara markale.

Fursad wanaagsan ayeey gacantooda isku dhaafiyeen siyaasiyiinta Abgaal doorashadii ugu dambeysay, maadaama ßhaariif uu codkiisa siiyay farmaajo uuna kasoo horjeestay walaalkiisa Xasan sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiyiinya beesha Abgaal keliya waxaa la arkaa marka la gaaro xilliga doorashada iyo marka olole wanaagsan uu jiro, taas oo ka baxsan qaaciddooyinka siyaasiga hanka leh lagu yaqaano.

Tusaale Caddoow Cali, Cabdullqaaddir Cosoble, Amb Maxamed Nuur Ameriko, Shariif Sheekh Axmed Iyo magacyo kaLe ayaa isa soo xaadiraya cilliga doorashada, marka kalena lama arko oo muuqoodaa lagu diimaa.

Haddaba suaaasha iswayddiinta mudan ayaa maxaa ku qasbay siyaasiyiinta Beeshaas in la arko xilligaas xilli dhanka kale siyaasiyiinta beelaha kale wakhti walba ay diyaar la yihiin aragti joogta ah iyo ka warqab beeshooda ah.