Ciidanka Dawladda Oo La Wareegay Deegaankii Ay Ku Dagaalamayeen Alshabaab Iyo Abu Mansuur

Ciidanka dawladda ayaa markii ugu horreysay la wareegay deegaanka Abal ee todobaadkan ay isku heysteen Alshabaab iyo maleyshiyo taabacsan Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.

Labada daraf ee magaalada waxaa ku kala sugan ciidammada Alshabaab iyo dhanka kale, sidaa darteeda dawladda ayaa xalay la wareegtay goobtaas, sidoo kale waxa ay xaqiijiyeen in maamulka Koonfur Galbeed uu saannad iyo ciidan ugu deeqay Mukhtaar Abuu Mansuur.

Si Kasta ba ha ahaatee colaadda ka taagan deegaankaas maalinba maalinta ka dambeysa waa ay isa soo tareysaa, sidaa darteeda wixii kusoo kordha dib ayaad kala qabsan doontaan.